‘Dhegaysiga’ carruurtaada

Inaad ‘dhegaysato’ waa dariiqada waalidiintu ay ku ogaadaan waxa carruurtoodu dareemayaan iyo waxa carruutoodu u baahan yihiin. ‘Dhegaysigu’ wuxuu asaas u yahay cilaaqaad nabad ah, wax-ku-oola oo kaalmaynaya adiga iyo ilmahaba.

Waalidiinta ‘dhegaystaa’ waxay carruurtooda u ogolaadaan inay ogaadaan in waxay la kulmeen iyo waxay dareemayaan la aqoonsaday, la fahmay waxna laga qabanayo.

Carruurtu waa garan karaan haddii waalidiintoodu ‘dhegaysanayaan’. Waa dariiqada carruurtu ku garan karaan waxaad rabto iyo inaad aqbashay. Taasi waxay samaysaa heer aad u sareeya oo isku xirnaana waxayna dhistaa tiirka cilaaqaadka wax ku oolka ah marka carruurtu korayaan.

Markaad ‘dhegaysato’, waxaad awoodaa inaad akhrido ilmahaaga dabeecadiisa si fiicana wax uga qabato. Marka carruurtu dareemaan in arrintooda wax laga qabtay lana fahmay, waxay yeeshaan isku kalsooni wanaagsan.

Carruurta yaryari markay dhashaan waxay dadka kula xiriiraan (oohin, hadaaq, dhawaaq), fal lagu muujiyo wajiga (indha la raacid, dhoollacadaynta, waji-xumaynta) iyo jir ka hadal (sida dhaqaajinta lugaha farax dartiis ama cara-darteed.) ‘Dhegaysiga’ ilmahaagu wuxuu ka bilawdaa xiriir aan hadal-lahayn: sida indha la raacid, fal wajiga lagu muujiyo, siiqada codka, dhaqaajinta jirka iyo sidaad waqti ugu qabato iyo dhaqsaha jawaabtaada.

Marka ilmahaagu sii weynaadaba, ‘dhegaysigu’ wuxuu ku lug yeeshaa wada-xiriir hadal iyo af ku dhisan.

Barashada ilmahaaga

Inaad ‘dhegaysato’ ilmahaaga yar aad ayay muhiim ugu tahay in ilmaha yari dareemo nabad, lana jeclaado. ‘Dhegaysiga’ ilmahaaga oohintiisa waxay kaa caawimi doontaa inaad ogaato haddii ilmuhu gaajaysan yahay, daalan yahay, u baahan yahay in laga bedelo naabiga ama doonayo in hab la siiyo.

Inaad ‘dhegaysato’ ilmahaaga kurayga ah waxaa ka mid noqon kara marka ilmahaagu u baahan yahay waqti aan qaylo iyo buuq lahayn, cunto khafiifa ama bedelida xarakaadka. ‘Dhegaysiga’ ilmahaaga laba-jirka ah oo dhexda uga jira xanaaqa kulul wax kama qabanayso xuduuda macquulka ah keligeed, laakiin waxaa fiican in la fahmo macnaha shucuurta. Sida, ilmahaagu ma daalan yahay, ma xanaaqsan yahay waxse ma gaareen? Inaad awoodo ‘dhegaysiga’ waxay ku timaadaa dulqaad, ku celcelin iyo inaad barato ilmahaaga.

Inaad ‘dhegaysato’

Xasuuso, ilma walbaa si gaara inuu u abuuran yahay, ilmuhuna hanaankiisa ayuu ku gudbiyaa baahidiisa iyo sidaad u waajahdo dunida. La soco ilmahaaga. Baro inaad barato waxa ilmahaaga ka caraysiiya ama ka farxiya.

Faham lana qabso ilmahaaga jir-ka-hadalkiisa, xanaaqiisa iyo shakhsiyadiisa. Sidee ku ogaanaysaa haddii ilmahaagu gaajaysan yahay? Daalan yahay? Kaaga baahan yahay inaad la hadasho? Kaaga baahan yahay dejin iyo qancin?

U debecsanow isbededlka dhaqdhaqaaqa ilmahaaga, dhawaaqa codka iyo xawliga xarakaadkooda.

Baro awooda ilmaha iyo meeshay daciifka ka yihiin. Sidee kuu tusaan markay faraxsan yihiin? Si sahala mayay u karaar dhaafaan? Ma si sahala ayay isu dejiyaan markay xanaaqsan yihiin?

Wax ka qabo ilmahaaga jir ka hadalkiisa, siduu u muuqdo una dhawaaqo. Markuu ilmuhu gacmaha kuu soo taago, qaad, dhunko, adeegsona erayo sahlan, “kor baad rabtaa”.

La hadal oo dhegayso ilmahaaga.

Ixtiraam oo aqoonso dareenka ilmahaaga.

La soco ilmahaaga jir ka hadalkiisa. Wax ku sheegida hadal af ah iyo mid aan ahayn af isku si ilmaha ma u tusayaan?