Caawimida carruurtu waxay wax ka qabataa xilliyada adag

Qoysaska waxaa soo foodsaara waqtiyaal adag. Masalan, saacadaha shaqo oo dheer, kala-taga ama isfuritaan, jirro, shaqa la'aan iyo ka guurida guriga ayaa kulligood saameeya dhamaan dadka yaryar iyo kuwa waaweyn.

'Mararka qaarkood lama qabsan karaan dadka waaweyn. Dadka waaweyni waxay u baahan yihiin inay talaabada hoos u dhigaan si ilmuhu ula jaan qaado.'

Marka ilma yar oo cusubi qoyska u dhasho waa lagu farxaa, waxaase iyana dhacaysa in isbedel qoyska ku imanayo, khaasatan carruurta. Taasi iyana waxay wax yeesha waalidnimadeena. Dareenkaagu waxaa laga yaabaa inuu waqtiyadaas ahaado mid xoogan oo aadan dareemin inaad wax ka qabato baahida carruurta.

Maxaa ilmahaaga ku dhacaya?

Waxaa laga yaabaa in ilmuhu baqsan yahay, nugul yahay isla markaana u nugul yahay waqtiyada dhibta ama isbedelka. Ha malayn in ilmahaagu fahmayo waxa dhacaya. Taasi waxay ahaan kartaa xilli jaahwareer oo aan deganayn. Carruurtu waxay dareemi karaan masuul inay ka yihiin waxyaallaha "xun" ee ku dhaca dadka ay daneeyaan.

Carruurtu siyaalla kala duwan ayey wax uga qabtaan dhibta ama isbedelka:

  • Waxay iska dhigi karaan inay ka yar yihiin da'dooda. Taasi waa sida loogu sheego inay aad ugu badan tahay ayna u kuugu baahan yihiin.
  • Waxaa laga yaabaa in ilmuhu kugu dhegan yahay, samaynayo codsi, samaynayo fadqalalo si uu u hello dareenka qofka, daryeel, kaalmo iyo macluumaad.
  • Waxaa laga yaabaa inay hurdadu ka qasan tahay, ku riyoodo riyooyin naxdin leh iskuna kaadsho.
  • Waxaa laga yaabaa inay maahsan yihiin ama si sahala u xanaaqaan.
  • Waxaa laga yaabaa inay aad isugu dayaan inay wax walba wanaajiyaan qoyska dartiis.
  • Waxaa laga yaabaa inay ku adkaato inay kuu sheegaan waxay dareemayaan sababtoo ah ma doonayaan inay ku welweliyaan ama kaa sii caraysiiyaan.

Waxa la samaynayo..

  • U xaqiiji carruurta inaad jeceshahay.
  • U sheeg carruurta in waxa dhacay aanay khaladkooda ahayn. Waxaa laga yaabaa inaad u baahan tahay inaad tan dhowr jeer ku celiso.
  • U sheeg in kasta oo aad naftaada ku xanaaqsan tahay, in aadan waxba xumaynayn.
  • Daacad u ahow carruurta una sheeg waxa runta ah oo dhacaya.
  • Markay suurtagal tahay ku dar carruurta inay ka qaybgalaan go'aanada wax u dhimaya.
  • Sii waqti ay ku hadlaan. Haddii aanay kula hadli karin ku dhiirigeli inay kula hadlaan ama la hadlaan qof ay aamini karaan.
  • U sheeg carruurta inay dareemi karaan waxyaalla badan oo kala duwan. U xaqiiji in aanay dhib lahayn siina dariiqooyin ay ku sharxi karaan siday dareemayaan.
  • Qaado waqti si aad u fahamto siday dareemayaan iyo sababta ay ugu dhaqmayaan sida ay u dhaqmayaan. Dul qaado oo adkayso.
  • Isku day inaad wado talaabooyinka loo baahan yahay.

Xaqiiji inay jiraan dad caawimaya adiga iyo ilmahaagaba.

Listen
Caawimida carruurtu waxay wax ka qabataa xilliyada adag
Update Required To play the media you will need to either update your browser to a recent version, enable javascript or update your Flash plugin.