Waalidnimada cadaadiska haysta

Waalidiin badan ayaa dareema inay la halgamayaan la qabsiga adduunka degdega isku bedelaya oo ay doonayaan inay carruur ku koriyaan. Dad badan ayaa ka welwelsan sida adduunkan maantu carruurta amaan ugu yahay.

Waalid badan ayaa dareema in ilmanimadu ay soo yaraanayso carruurtuna ay degdeg ku korayaan mujtamaca maanta jira.

Dad badan ayaa dareema inay ku halgamayaan dhowr furimood si ay wax uga qabtaan ka herdanka baahida shaqada iyo waalidnimada.

Kuwa badan ayaa dareema in uu saaran yahay cadaadis ah in carruutoodu aanay guuldaraysan. Waxay dhibi ka haysataa inay hellaan waqti ay carruurtooda la qaataan, in kastoo ay ogyihiin muhiimada inay sidaas sameeyaan.

Kuwa badan ayaa dareema kelinimo, iyo inay ka go’an yihiin kaalmada muhiimka ah ee qoyska iyo saaxiibada.

Loolanka iyo cadaadiska haysta waalidiintu waa wax weyn sababtuna waa welwelka, waqtiyada qaarkoodna, waxaa jira cadaadis xad dhaafa.

Kelidaa maahid. Waalidiin badan ayaa dareema sidaas oo kale.

Cadaadiska hawshu waa qayb caadi ah oo ka mid ah waalidnimada. Qayb yar oo ka mid cadaadiska hawsha ayaa ah mid caafimaad wuxuuna naga caawimaa in aan saaro diirada si aan wax u qabo. Cadaadiska hawsha ee aadka u badan ayaa noqon kara mid kaa-qaalib noqda oo keena inaad dareento caawima la’aan, baqdin iyo jaahwareer.

Ma jiro waalid qalad ka caagan. Had iyo jeer wax uguma qabano carruurteena sida ugu fiican uguna macquulsan. Waxa ugu muhiimsani waa inaan aqoonsano markaan dareeno inay hawshu naga tan badatay waxna ka qabano arrintaas.

Inaad adigu wax isu qabato waxay kaa caawintaa inaad carruurtaada wax u qabato

Adigu wax isu qabo marka hore. Mar walba qofka kale ha iska hormarin.

Samay waxyaallaha kaa caawima inaad inaad nasato. Dhegayso muyuusig, akhri buug, soco oo lugay. Xataa haddii ay tahay toban daqiiqo.

Dib u jaleec cadaadiska hawshaada iyo dareenkaaga iyo hawsha kaa qaalibka noqotay meeshay ka imanayso raadina talaabooyinka aad wax kaga qaban karto.

Isku day inaad wax habayso. Asaas dariiqo aad adiga iyo ilmahaagu raaci kartaan.

Dib u jaleec waxyaallaha adiga muhiimka u ah adiga iyo qoyskaaga iskuna day inaad mudnaan siiso waxyaallahaas.

Ogolow in adiga naftigaagu aadan boqolkiiba boqol sax ahayn.

Ka fogow inaad ilmahaaga caradaada kula dhacdo. Kulligeen waxaa jira waqtiyo aan samayno ama niraahno carruurteena waxyaallo ka soo horjeeda sida fiican oo aan u fekero. Wax dhib ah oo ku jirtaa ma jirto inaad carruurtaada cudur daarasho u samayso aadna aqbasho inaad qaldanayd.

U samay waqti khaasa naftaada iyo qoyskaaga.

Kala hadal xaaskaaga, qoyskaaga ama saaxiibkaa waxyaallaha aad dareenka ka qabto ama ka welwelsan tahay. Wadaagida khibradu waxay kaa caawintaa inaad dareento in aadan kelidaa ahayn.