Qoysas Farxaana oo Xoogan

Qoysaska farxaanka ah oo xoogan waxay abuuraan dareen nabdoon oo qoyska dhexdiisa ah iyo qof walba oo qoyska ka mid ah. Nabad qabka waxaa ka mid ah, mid jireed, maskaxeed, shucuureed iyo caafimaadka bulsho. Qoyska farxaanka ah oo xoogani waa is-dhiirigeliyaan waana is caawimaan si ay u ahaadaan kuwa dhanka wanaagsan wax ka eega, rajo qaba una wada da’daala si shakhsiyan ah iyo si qoysba. Qoyska farxaanka ah oo xoogan qof walbaa wuxuu xaq u leeyahay inuu dareemo amni, xasilooni, farxad iyo in la jecel yahay. Waalidka masuuliyad ayaa ka saaran inuu bixiyo door lagu daydo iyo deegaan kaalmaynaya kaas oo ku haboon carruurtooda ayna ku barwaaqoobi karaan.

Mashruuca Cilmi Baarista Xoojinta Qoyska (The Family Strengths Research Project*) waxay carab baabeen sideed arrimood oo qoyska farxaanka ah oo xoogani ay leeyiiin. Kuwaasi waa:

Wada-hadalka:

Qoysaska farxaanka ah oo xoogani waxay qiimeeyaan wada-hadalka labada dhinac ah oo furan. Taas macneheedu waxa weeye waalidiinta iyo carruurtu waxay xaqiijiyaan in qof walbaa dhegaysanayo qofka kale isla markaana hellayo fursada uu ku hadlo. Qoysaska farxaanka ah oo xoogani waxay u abuuraan fursado qoyska oo dhan si uu uga qaybgalo wada hadalka ku saabsan xaallad kasta oo maalmeed iyo fursadaha ka hadalka arrimo iyo dhibaatooyin.

Wadajir:

Wadajirku wuxuu abuurayaa “xanjo” isku xirta si loo caawimo qoysasku inay yeeshaan dareen is-lahaansho. Wadajirku waa wadaagida waxyaalla isku mid ah, caqiido iyo anshax. Carruurta waxaa loo arkaa xubna muhiima oo qoyska ka tirsan kuwaas oo leh dareen xoogan oo is-lahaanshaha qoyska. Qoyska farxaanka ah oo xoogani waa isku dhafan yihiin safarka nolosha.

Wadaagida xarakaadka:

Qoysaska farxaanka ah oo xoogani waxay wadaagaan wadajirna u qabtaan hawlaha. Kuwaas waxaa ku jiri kara cayaaro, gaymam lagu cayaaro, sheekooyin la wada akhriyo, isla qaadashada waqti, wadaagida waxyaalla la xiisaynayo iyo fasaxyo. Marka carruurtu sii weynaataba waxaa loo baahan yahay feker hal abuur leh si ay uga qayb galaan xarakaadka qoyska. Xarakaadkaas waxaa ku jira ku martiqaadida carruurta waaweyn saaxiibadood inay ka qayb qaataan xarakaadka qoyska iyo abuurida guri ah “mid dhalinta soo dhowaynaya” halkaas oo carruurtaada saaxiibadood lagu dhiirigelinayo “ inay ka qayb qaataan”.

Debecsanaan:

Debecsanaanta waxaa lagu muujiyaa wadaagid dareen dhab ah oo lagu muujinayo habsiin, ku dhegid-naxariis leh, iyo dhunkasho. Qoysaska farxaanka ah oo xoogani waxay isu sheegaan waxay iska dareemayaan, mid walbaana wuxuu qadariyaa dareenka qofka kale, welwelka, aragtida iyo wuxuu xiisaynayo.

Kaalmo:

Xubin walba oo qoysaska farxaanka ah oo xoogan ka mid ahi waxay ogtahay in xubnaha qoysku ay had iyo jeer dhowraan iskana war haynayaan. Qoyska farxaanka ah oo xoogan waa u sahlan tahay in uu isa-siiyo caawimo iyo kaalmo.

Aqbalaad:

Xubnaha qoysaska farxaanka ah oo xoogan waxay muujiyaan ixtiraam iyo qadarin qof kale waxay ku kala duwan yihiin. Tartanka lama soo dhowaynayo xubnaha qoyskuna waxay aqoonsadaan oo qiimeeyaan aragtida qofeed ee kan kale, waa saamaxaan qof walbana waxaa la siiyaa masaafo.

Ka go’naan:

Qoysaska farxaanka ah oo xoogan way is-ixtiraamaan daacad ayayna isu yihiin ka shakhsi ahaan iyo ka qoys ahaanba. Qoysaska farxaanka ah oo xoogani waxay dareemaan amni dhexdooda ah, aaminaad balankana waa ilaaliyaan.

Dulqaad:

Qoysaska farxaanka ah oo xoogan waxay leeyihiin awooda lagula qabsado xaalladaha is bedelaya laguna yeesho hab wanaagsan oo lagu qaabilo loolan kasta oo soo baxa. Qoysaska farxaanka ah oo xoogan waxay ka wada hadlaan wixii yimaada, waxayna kor u qaadaan rajada qof walbaa qabo, waana isku soo dhowaadaan markii dhibaato timaado waxayna wax u wada bartaan si qoys ahaaneed.

Qoysaska farxaanka ah oo xoogan, cilaqaadka u dhexeeya dadka waaweyn iyo carruurta waa mid hagaagsan, wax kaalmaynaya, raxmad iyo xaqna ku dheehan yihiin, kaas oo carruurtu ay leeyihiin dareen adag iyo lahaansho.