Erayada iyo ficiladu waa dhaawici karaan..

Sida aan ula hadalo ficilkana ugu samayno carruurta waxay saamaysaa siday isu arkaan.

Dabeecadeena ayaa badanaa u dhawaaqda si ka dheer erayadeena. Maxaad ku leedahay ilmahaaga?

Waxaan ku niraahno carruurteena waxay u shaqaysaa sidii muraayada la iska arko, waxayna ka muuqanaysaa carruurta fikradooda waxay yihiin iyo waxay noqon doonaan.

Hadalada wax dhaawacayaa waxay jiri karaan weligood. Waalid ahaan waxaa laga yaabaa inaad tiraahdo ama ku dhaqanto wax aanay jeclaysan. Badanaa carruurtu waa u nugul yihiin in dhaawac mar ah ama hadal haboonayni ku keeno dhibaato sii jiitanta. Si kasta ha ahaatee, wixii ficil ama erayo ah ee xun oo aan carruurteena u gudbinaa, waxay noqonayaan waxay aakhirka aaminaan.

Dhegaysiga carruurta

In la dhegaysto carruurta waxay u muujinaysaa inay muhiim yihiin.

Waqti carruurta la qaado si aad u dhegaysato mawqifkooda. Mararka qaarkood caruurtu ma hadlaan sababtoo ah lama siiyo fursada ay ku hadlaan. Isku day in qoyskaaga qof walbaa xaq u leeyahay inuu fikradiisa dhiibto.

Dhegaysiga macnihiisu maaha keliya in la dhegaysto erayada balse waa in wax laga qabtaa macnaha erayada ka dambeeya. Dhegayso ama faham waxyaallaha aan la sheegin. Marar badan dabeecadu way ka dhawaaq dheer tahay erayada. Maxaa ilmahaagu doonayaa inuu kuu sheego?

Isku day inaad noqoto dhegayste dul-badan. U golow ilmahaaga waqti uu kuugu sheego mawqifkiisa. Ha ku boodin inta aanu dhamaysan wuxuu doonayo inuu ka hadlo.

Noqo qof xiisaynaya oo dhegayste fiican ah. La wadaag ilmahaaga dareenkiisa. Ka caawin ilmaha inuu sheegto ama muujiyo wuxuu malaynayo oo dareemayo adoo ku caawimaya erayada ama siyaallaha kale ee uu doonayo inuu kuula xiriiro.

Carruurtu waa dhegaysanaysaa

Waxyaallaha laga digtoonaado:

In aadan carruurta hadalkooda waxba ka soo qaadin.

In aadan ilmaha ku sheegin magacyo sida "doqon" ama " wiil xun ayaad tahay" U dhaleecaynta ilmaha si aan xaq ahayn. Sida " adaa sameeyey. Wallaashaa wax noocaas oo kale ah weligeed ma samayn" " adaa ah sababta aniga iyo hooyadaa aanu had iyo jeer ku dagaalano". Kala noqoshada ama u diidida jacaylka. Sida " waxaan jeclaan lahaa in aadan dhalanba". Waji xumaynta ama u xanaaqsanaanta markay doonayaan inay kula hadlaan. Ku masaalida ilmo ilma kale. Ka hadlida ilmuhu meeshuu ku xun yahay dadka kale hortiisa - way maqli karaan.

Listen
Erayada iyo ficiladu waa dhaawici karaan..
Update Required To play the media you will need to either update your browser to a recent version, enable javascript or update your Flash plugin.