Doorka Ilmaha

Waalid ahaan waxaad badanaa ku bixisaa waqtigaaga inaad ahaato waalid wanaagsan, adoo samaynaya wax kasta oo aad u awoodo ilmahaaga marka aad isu miisaamayso baahida iyo dalabka nolol mashquulla.

Waxaad si soo siyaadaysa u dareemaysaa inaad tahay maamule- maaraynta guriga, maaraynta waqtiga, maaraynta shaqada iyo maaraynta dabeecada carruurta.

Badanaa, maanta , waxaan maqalaa kharajka carruurta maadi ahaan, dhinacyada dhaqaalaha, bulshada iyo shaqada. Waxaan maqalaa sida waalidku ugu hibeeyaan carruurtooda noloshooda si ay carruur u hellaan.

Mararka qaarkood waa sahlan tahay in la lumiyo wixii muhiima. Noloshaan mashquulka ah waxaa waqtigaaga qaataa kama muuqdo waxaad samayn karto laakiinse siyaallaha aad wax uga qaban lahayd.

Carruurtaadu waxay u kobciyaan noloshaada siyaaba badan

Carruurtu waxay siiyaan waalidka:

  • Jacayl aan shardi ku xirnayn
  • Waxay kuu arkaan meesha laga hello amaanka ugu weyn, qofka ugu wax garadsan uguna geesisan adduunka
  • Fursad lagu noqdo halyey
  • Fursada lagu noqdo mar kale ilmo adoo la wadaagaya adduunka cajiibka ah ee soo baxaya.
  • Fursada lagu hellayo xoogga qiirada iyo awooda badan iyo xirfado kuwaas oo laga yaabo inay kaa qarsoonaan lahaayeen la'aantood.
  • Fursada aad ku gudbiso waxaad qiimayso, dabeecadaada iyo waxaad ka qabto adduunka
  • Fursada aad dib ugu noqoto farxada iyo kalgacalka cayaarta carruurta
  • La qaybsiga qosolkooda qiimaha leh
  • Fursada dib loogu noqonayo ilmanimada
  • Fursada waqti lagaga qaadanayo koritaanka ama weynaanta

Mid ka mid ah hadiyadaha ugu waaweyn ee waalidku naftooda siin karaan waa kan ay carruurtooda la qaataan.

Qaado maalin walba waqti aad ku qososho, ku oydo, ku cayaarto, ku riyooto, ku maansaato kuna sahamiso ilmahaaga.

Listen
Doorka Ilmaha
Update Required To play the media you will need to either update your browser to a recent version, enable javascript or update your Flash plugin.