Sida ilmuhu wax u arko

Markii aan wax badan ka ogaano carruurtaba wax badan ayaan u qaban karaynaa. Mid ka mid ah dariiqooyinka aan sidaas ku samayn karo waxa weeye in aan soo xasuusano ilmanimadeenii dabadeedna malayno sida ilmuhu adduunka u arko.

Xassuuso waxay ahayd inaad ilmo tahay......

Ka feker waxyaallaha ugu muhiimsan oo kugu dhacay ilma ahaan eegna sida ay u saamaysay noloshaada iyo cilaaqaadkaaga. Waa maxay waxa waalidkaa yiraahdaan ama sameeyeen oo muhiimka kuu ahi?

Maxaad jeclaan lahayd in waalidkaa yiraahdo ama sameeyo?

Khibrad noocee ah ayaad doonaysaa in carruurtaadu xassuusato?

Carruurtu waxay u fekeraan si ka duwan dadka waaweyn. Badanaa uma arkaan sida dadka waaweyni wax u arkaan. Masaal, carruurtu waxay u malayn karaan in lagu canaanto wax aanay shaqa ku lahayn.

Isku day inaad istaagto mawqifka ilmahaaga aadna fahamto sida ilmuhu adduunka u arko. Sidee u dareemaysaa markaad yar tahay oo qof walbaa weyn yahay. Sidee u muuqataa marka aadan helli karin erayo aad rabto inaad tiraahdo oo aadan oran karin?

Dad waaweyn ahaan, waa masuuliyadeena inaan ixtiraamno oo qadarino carruurta.

  • Kala tasho carruurta waxa noloshooda khuseeya. Dad waaweyn ahaan waxaa waajib ina ku ah inaan isu dheelitirto ilmuhu wuxuu rabo iyo aragtida ah wixii amaana oo macquulla. Markay carruurto soo koraan u ogolow inay aragti ka dhiibtaan wixii noloshooda khuseeya. Ilmahaaga sii cod diyaarna u ahaw inaad aqbasho fikradiisa/ fikradeeda.
  • Ka caawin ilmaha inuu qaado masuuliyaad.
  • Ku ixtiraam in ilmuhu ka fekero ama dareemo wax ka duwan waxaad dareensan tahay.
  • Xaqiiji in carruurtu dareento in la dhegaystay. Carruurtu waxay u baahan tahay inay dareemaan in la ixtiraamay oo la dhegaystay si ay u dareemaan wax fiican.
  • Aqoonso sharaftooda xusna qof-nimadooda gaar ahaaneed.
  • Xaqiiji in carruurta la nabadgeliyey lana ilaaliyey.

Carruurtu waxay kaaga baahan yihiin inaad ka caawiso koritaanka jireed iyo kan maskaxeed.

Listen
Sida ilmuhu wax u arko
Update Required To play the media you will need to either update your browser to a recent version, enable javascript or update your Flash plugin.

Raadi kaalmo

Dadka ku hawlan carruurteena wanaagooda waxaa ka go’an wixii la xiriira xuquuqda carruurteena, iyo soo-afmeerida dhibaataynta ilmaha. 

Find Help