Waalidnimada marka labada waalidba shaqaynayaan

Isu dheelitirida baahida shaqada iyo qoyska marka labada waalidba ay shaqaynayaan waa wax adag. Ka fiirsasho laga taxadaray iyo qorshaynta qoyskaaga iyo baahida ilmuhu waa muhiim waxayna hoos u dhigi karaan cadaadiska la xiriira shaqada mashquulka ah iyo nolosha qoyska.

U doorida daryeel ilmood ilmahaaga markaad shaqaynayso waa midda ugu muhiimsan oo ahmiyada la siinayo. Haddii aad leedahay carruur dugsiga hadda bilawday, inaad doorato daryeel ilmood oo ku haboon ilmahaaga waa muhiim. Haddii aad leedahay carruur dugsiga gaartay, waxa laga yaabaa inay u baahan yihiin daryeel dugsiga ka hor iyo ka dib. Waxaa jira dhowr nooc oo daryeel oo la helli karo, khaasatan carruurta markaas dugsiga bilawday oo ay ku jiraan kuwa ehelku, ayna ku daryeellaan kuwa kale guriga iyo noocyo kale oo daryeel oo ku salaysan guriga.

Isku day inaad la doorato nooc daryeel oo kale ilmahaaga. Ka feker cidda keenaysa ama ka qaadaysa ilmahaaga daryeelka ama dugsiga. Ka hadla qofka haysta debecsanaanta ugu badan shaqadooda, kaas oo awooda dib u qaabaynta saacadaha shaqada si wax looga qabto baahida ilmaha. Haddii hal waalid keliya uu awoodo inuu taas sameeyo maxaa markaas waalidka kale awoodaa inuu sameeyo si “ula wadaago hawsha” waalidnimada iyo hawlaha qoyska.

Daryeelida ilma jiran ayaa noqon kara hawl aad u weyn marka labada waalidba shaqaynayaan. Waa wax aan laga baxsan karin in carruuri jirato. Waa wax ku ool inaad haysato qof ama laba qof oo qaangaara, malaha xubna ka tirsan qoyska, kuwaas oo diyaar u noqon kara si ay ula wareegaan ilmaha markuu jiran yahay.

Marka labada waalid shaqeeyaan, waalid kastaa wuxuu u baahan yahay inuu uga qayb qaato si siman daryeelka ilmaha iyo wax ka qabashada guriga. Labada waalidba waxay u baahan yihiin inay wadajir waqti u wada lumiyaan sidii laba isqabta ahaan, iyo in qof walbaa waqtigiisa gaar u qaato, waqtina wada qaataan qoys ahaan. Carruurtu waxay u baahan yihiin inay dareemaan inay qoyska ka tirsan yihiin, lana jecel yahay shuruud la’aan. Marka labada waalidba shaqeeyaan, wadaagida hawsha gurigu waa muhiim. Ciilqabku waa sii siyaadi karaa haddii waalidiinta mid ka mid ahi uu qabto dhamaan hawsha guriga laga rabo. Carruurta waaweyn ayaa gacan ka geysan kara hawsha, waxaana dhici karta in qoyska oo dhami guriga ka shaqeeyaan dhowr saacadood maalinta Sabtida iyada oo loo dhaafayo Axada qoyska iyo xarakaadyada shakhsiyeed.

Qoyska labada waalidba shaqeeyaan waalid walbaa wuxuu u baahan yahay “anniga” waqti, halka waalidka kale uu leeyahay masuuliyada daryeelka carruurta. Taasi waxay u ogolaanaysaa waqti ay ku bixiyaan waxyaalla ay xiisaynayaan ama xarakaadyo ama inay bareeg qaataan.

Marka labada waalidba ay shaqaynayaan way adkaan kartaa inay waqti hellaan ay labadoodu ku wada joogaan. Waalidka qaarkiis ayaa dareema inay tahay inay helaan qof u haya carruurta halkii ay iyagu carruurta hayn lahaayeen. Waalidiintu waxay u baahan yihiin waqti ay isla qaataan si ay ugu raaxaystaan isla joogidooda ayna wada qaataan xarakaadyo iyo waqti dad waaweyn.