Xanaanada ayeeyada/awoowaha

Sida ay u muuqdaan doorka ayeeyada iyo awoowaha waxbaa iska bedelay 30kii sano oo la soo dhaafay. Doorka awoowaha iyo ayeeyada iyo carruurtoodu waa kala duwan yahay qoysaska. Ma jiro tusaale doorka ayeeyada iyo awoowaha. Sidaas darteed waa inay ku socdaan dariiqo xadadan oo u dhexaysa bixinta caawimo iyo in loo arko inay faragelin samaynayaan, iyo wax u dhexeeya inay doonayaan in ilmahoodu u edbiyo sidii ay iyagu u edbin jireen ama u ogolaadaan inay u wax u sameeyaan siday iyagu rabaan.

Ayeeyooyinka iyo awoowayaasha qaarkood ayaa la nool qoyskooda waxayna daryeellaan carruurta ilmahoodu dhaleen kolka ay waalidku shaqaynayaan. Kuwaan ayaa si muuqata uga qayb qaata nolosha ilmaha,mararka qaarkoodna waxayba qaataan door hogaamin ah xagga hagida ilmaha. Marka aanay la noolayn carruurta ay carruurtoodu dhaleen, ayeeyooyinka iyo awoowayaashu qayb weyn ayay ka yihiin daryeelka carruurta ay carruurtoodu dhaleen, tusaale ahaan, geynta iyo ka soo qaadida dugsiga carruurta iyo daryeelida carruurta marka lagu jiro fasaxa dugsiga. Qoysaska qaarkood, ayeeyada iyo awoowaha ayaa weli shaqeeya waxaana laga yaabaa in aanay awoodin, ama doonayaan, inay ka qaataan door weyn nolosha carruurta ay carruurtoodu dhaleen. Kuwaan ayaa laga yaabaa inay qaataan door ‘ilma-hayn ah’, lana lumiyaan carruurta waqti markay ku haboon tahay ayeeyada/awoowaha iyo qoyska.

Kuwa kale ayaa laga yabaa in aanay arag carruurta ay carruurtoodu dhaleen badanaa, ama xiriirba aanay lahayn. Tan waxaa keeni kara sababa badan kuwaas oo ay ka mid yihiin iyaga oo aad uga fog qoyskooda ama laga yaabo inuu khilaaf jiro. Tani waxay keeni kartaa cadaadis ku yimaada ayeeyada iyo awoowaha kuwaas oo dareema inay lumiyeen inay qayb ka yihiin nolosha carruurta ay carruurtoodu dhaleen.

Waxaa hadda siyaadaya, in ayeeyada iyo awoowuhu, ay joogto ugu daryeelaan gurigooda carruurta ay carruurtoodu dhaleen taasna waxaa keenay waalidka ilmaha oo aan awoodin ama aan doonayn inuu daryeelo.

Xaalladu waxay doonto ka noqotee ayeeyada iyo awoowuhu muhiim ayay u yihiin nolosha carruurta ay carruurtoodu dhaleen. Ayeeyada iyo awoowuhu, waxay siiyaan carruurta “degaan ula mid ah koodii” amni, kaalmo iyo jacayl aan shuruud ku xirnayn.

  • Ayeeyada iyo awoowuhu badanaa waqti ayey u hellaan carruurta ay carruurtoodu dhaleen taas oo aanay awoodin waalidiinta carruurta oo mashquulla. Waxay isku dayaan inay waqti kula lumiyaan carruurta ay carruurtoodu dhaleen, goobta cayaarta carruurta, aadida socod dheer iyo barida carruurta adduunkooda.
  • Ayeeyada iyo awoowuhu waa kaalma bixiyayaal muhiima oo carruurta ay carruurtoodu dhaleen. Waad caawimi kartaa carruurta ay carruurtaadu dhaleen si ay uga gudbaan dhibta iyo welwelka ay qabaan.
  • Ayeeyada iyo awoowuhu waxay mararka qaarkood bixiyaan xal kale oo ku saabsan waxyaallaha la isku khilaafsan yahay oo u dhexeeya waalidiinta iyo carruurta taas oo badanaa ah wax ku ool xagga xalinta khilaafka. Isku day in aadan raacin dhinacna, balse caawin carruurtaada carruurtooda si aad si fiican ugu fahamto waxa qof walbaa damacsan yahay.
  • Ayeeyada iyo awoowuhu waxay la wadaagi karaan carruurta adduunkooda. Carruurtu waxay ku bari karaan teknooloji cusub, halka aad la wadaagi karto sida adduunku ahaan jiray ka hor intaan teknoolijigu imaan waxyaallahaas oo carruurtu u qaateen wax loogu deeqay.
  • U dabaal deg guulaha carruurta ay carruurtaadu dhaleen. Ku dhiirigeli inay isku dayaan waxyaalla cusub. U muuji muhiimada rajada iyo wax ka eegida dhinac fiican. Ayeeyada iyo awoowuhu waxay u quweyn karaan carruurta ay dhaleen carruurtoodu inay ku raaxaystaan nolosha iyaga oo ula qaybsanaya siday iyagu u arkaan.