Ilmaha cayaartiisu waa masuuliyada waalidka?

‘Maxay ku dhacday in dadka waaweyni hilmaamaan waxay tahay ilmanimadu? Iyaguba marbay yaraayeene.’

Cayaartu waa midda ugu muhiimsan baahida ilmaha. Waxa ugu muhiimsan ilmaha waa cayaarta. Waana cayaarta waxa carruurtu ku hellaan waxbarashadooda.
Cayaartu waxay shidaal u tahay horumar caafimaad qaba.
  • Orodka, laadida iyo tuurida kubbadu waxay carruurta ka caawintaa isku dheelitirnaanta iyo wadashaqaynta jirka.
  • Gaymamka iyo heesida iyo qaafiyadu waxay caawintaa koritaanka luqada.
  • Gaymamka xalinta xisaabaadka iyo xujadu waxay caawimaan koritaanka garaadka ilmaha.
  • Kala-sugida iyo wadaagida cayaarta waxay ka caawintaa korinta xirfada cilaaqaadka muhiimka ah iyo is-xakamaynta.

Cayaartu waa hab muhiima oo carruurtu ku muujin karto dareenkooda. Daawashada iyo ka mid noqoshada cayaarta carruurta, waxaad ku ogaan kartaa sida carruurtaadu dareemayaan iyo waxay ka fekerayaan.

Waalidku waxay door muhiima ka cayaaraan cayaarta carruurta

La wadaagida cayaarta waxay dhistaa cilaaqaad wanaagsan oo u dhexeeya adiga iyo ilmahaaga jawi cayaareed.

La cayaarida ilmahaaga waxay kor u qaadaa fursadaha aad ku caawimayso ilmaha marka ilmuhu la qabsanayo xirfadaha cusub. Mida ugu qiimaha badan oo meelmarinta ilmuhuna helli karo waa ogolaanshaha iyo qadarinta waalidka.

Cayaarta ugu fiicani ee ilmuhu waa mida uu la cayaaro waalidkiis - isku day inaad waqti siiso ilmaha

maalin walba. La cayaarida carruurta

Cayaartu waa inay ahaataa mid ku haboon heerka ilmaha. Hadday sahlan tahay waxaa laga yaabaa in ilmuhu ku caajiso. Hadday aad u adag tahayna waxaa laga yaabaa inuu ku wareero.

Ilmahaagu ha hogaamiyo cayaarta. Ha la wareegin.

Xaqiiji in cayaartu amaan tahay.
Weydii ilmahaaga qaybta cayaarta ee uu jeclaan lahaa inuu cayaaro.

Ogollaw waqti ku filan oo ilmuhu ku cayaaro.

Ha la tartamin ilmahaaga. Taasi waxay ka niyad jebinaysaa inay kula cayaaraan.

Sabur haddii ilmahaagu doonayo inuu ku celiyo isla cayaartii mar kale. Xirfadaha cusubi waxay u baahan yihiin ku celcelin. Xamaasada ha lumin.

Soo dhoway oo qadari dadaalkooda, iyada oo aan ku xirnayn waxa ka soo bixi kara.

Raadi fursado aad mar walba cayaar ugu samayn karto. Masalan, la wadaag ilmahaaga samaynta qaafiyad ama heeso ku saabsan xarakaadyada maalmeed sida goglida sariirta.

Marka wax kasta oo kale laga yimaado la cayaar lana qosol carruurtaada
Listen
Ilmaha cayaartiisu waa masuuliyada waalidka?
Update Required To play the media you will need to either update your browser to a recent version, enable javascript or update your Flash plugin.