Aqbalaada kala duwanaanshaha

Ma jiraan laba qof oo isku mid ah.

Waxaa laga yabaa in aanay isu ekayn, isku cod ahayn, isku sina u lebisan. Waxaa laga yaabaa inay kala caado duwan yihiin, haystaan dhaqama kala duwan, waxyaalla kala duwana aaminsan yihiin. Waxaa laga yaabaa inay kala karti duwan yihiin. Waxaa laga yaabaa inay ku nool yihiin gurya kala duwan ama ka kala yimaadaan qoysas kala duwan. Waa in carruurtu fahmaan in kala duwanaanshaashi yahay wax caadi ah.

Carruurtu waxay mararka qaarkood weydiiyaan kala duwanaanshaha ay u arkeen oo u dhexeeya iyaga kuwa kale.

  • "Waa maxay sababta qofkaasi korsiga dadka lagu riixo u saaran yahay ?"
  • "Maxaa qofkaasi midabka maqaarkiisu iiga duwan yahay?"
  • "Maxaa qofkaasi u lebisan yahay dhar noocas ah oo fani ah?"

Carruurta yaryari way u badan yihiin inay aqbalaan faraqa kuwa kale iyaga oo aan su'aal weydiinin. Waxay saaxiiba ka dhigtaan carruur badan oo dhaqama kala duwan ka kala yimid ama leh karti ama qoysas nooc kale ah.

Carruurtu markay kortaba waxay bartaan inay qiimeeyaan waalidkooda siduu uga duwan yahay kuwa kale. Sidaad u aragto dhaqanka iyo kala duwanaanshaha waxay saamayn ku yeelanaysaa sida ilmahaaga korayaa ula dhaqmo kuwa kale oo iyaga ka duwan.

Sidaad u aqbasho kala duwanaanshaha waxay ka muuqanaysa ilmaha. Sidee ayaad u qadarisaa mawqifka kuwa kale? Sidee ugu dulqaadataa uguna jajaban tahay caadooyinka kala duwan, waxyaallaha la aaminsan yahay iyo dhaqamada caadooyinka? Ilaa intee in le'eg ayaad ixtiraamtaa oo qiimaysaa aragtida qofeed? Intee in le'eg ayaad ka hadashaa oo qeexdaa kuwa kale oo kaa duwan.

Aqbalaada kala duwanaanshuhu waa fahmida in aan isku mid nahay, sidaan u kala duwanahay ulana dhaqano qof walba iyadoo leh ixtiraam iyo isfahmid iyadoo aan ku xirnayn kala-duwanaanshaha.

Kor u qaadida is aqbalaada

Ka caawin in ilmahaagu fahmo taariikhda reerkiisa iyo dhaqamadoodii hore.

Kala hadal ilmahaaga siyaabaha qoyskaagu uga duwanaa kuwa kale - waxay leeyihiin waxyaalla ay iskaga mid yihiin iyo waxyaalla ay ku kala duwan yihiin, waxay xiisaynayaan iyo waxyaallaha ay ku fiican yihiin.

Ku dhiirigeli ilmahaaga inay kaala hadlaan waxay arkeen, su'aalaha ay qabaan ama dareensan yihiin.

Ka caawin ilmahaaga inuu qadariyo dareenka iyo fikradaha kuwa kale - una fekero siduu isba jeclaan lahaa..

Ka caawin ilmahaaga kala duwanaanshaha ay tahay in la qadariyo lana xuso. Waxaad samayn kartaa adoo tusaya dhaqama kale markaad ka daawanaysaan dadka barnaamijyada telefishanka iyo dadka kale ama akhrinta buuggaag ku saabsan dadka iyo meelaha kale iyo ka qaybgelida munaasabadaha dhaqanka bulshada iyo ciidaha.

Listen
Aqbalaada kala duwanaanshaha
Update Required To play the media you will need to either update your browser to a recent version, enable javascript or update your Flash plugin.