Waalidnimada ilmaha qofkaad is-qabtaan

Labada qof oo midkood ilmo wato ama labaduba ayaa ku soo badanaya noocyada qoysaska.

Qoys kasta oo ka kooban ilmoh, iyo laba qof oo midkood ilmaha dhalay ayaa ah mid gaar ah waxayna la kulmayaan loolan iyo amaan. Dhamaan qoysaska noocaan oo kale ah waxaa dhici kara waqti isbedel weyn jiro oo la-islaqabsanayo marka la isu yimaado. Inta waqtigaan lagu jiro, sheyga ugu weyn oo qadarinta la siinayaa waa inuu ahaadaa carruurta iyo cilaaqaadka ay la leeyihiin mid kasta oo ka mid ah waalidkood.

Carruurtu waxay uga baahan tahay waalidka dib-u-xaqiijin ah in aad weli loo jecel yahay qaladkoodana aanay ahayn in waalidkood kala tageen. Waalid waliba wuxuu u baahan yahay inuu xaqiijiyo inuu ku hadlo hadal wanaagsan oo waalidka kale ku saabsan. Waalidku waxay u baahan yihiin inay waqti badan ku lumiyaan carruurtooda. Carruurtu waxay u baahan tahay dib-xaqiijin ah in iyada oo ku xirnayn waalidka ay la nool yihiin, labada waalidba waxay weligood ahaanayaan qayb ka mid ah noloshooda.

Waalidka aan la noolayn carruurtooda waa inay cayaaraan door muhiima. Carruurtu waa kula wadaagi karaan adiga dareenkooda ku saabsan qofka cusub. Waxay kaaga baahan yihiin inaad dhegaysato oo caawinto waqtiyadaan. Carruurtu waxay uga baahan yihiin labada waalidba u naxariisasho, amni iyo cilaaqaad la isku halayn karo markay la bilaabayaan cilaaqaadka cusub qof weyn iyo carruurta qofka ay nolosha la bilaabeen.

Qofka guursaday qofka ilmaha wata iyo qoyska xaalladaas ku jiraa waxaa waajib ku ah inay ka fekeraan:

  • Inay la yeelashaan cilaaqaad ilmaha qofka ay wada noolaanshaha bilaabeen
  • Caawinta carruurta ka kala timid labada is-guursaday si ay u yeeshaan cilaaqaad
  • Hababka waalidnimo oo ay iskaga mid yihiin ama ku kala yihiin ayna si wadajir ah isugu raacaan hab waalidnimo oo qoyskan cusub.

Carruurta qaarkeed qofka cusub oo nolosha waalidka uu la socdo ku soo biiray la qabsigeedu waa ku adkaan karaa. Ilmuhu waxaa laga yaabaa

  • Inuu lumiyo booskooda qoyska
  • In lala wadaago sariirta halka ay la qabsadeen inay keligood lahaadaan
  • In lala wadaago waalidka ay keligood lahaayeen ka hor inta aan cilaaqaadka cusubi bilaaban
  • Inuu doonayo qoyskii asalka ahaa
  • Inuu gurigii ka guuro, ka tago saaxiibo, dugsi iyo waxyaalla kale oo uu yaqaanay kuwaas oo waalid ku jiray.

Si kasta ha ahaatee, waxaa kaloo jiri kara faaiidooyin wax ku oolla oo carruurta ku jirta xaallad ama aabbahood/hooyadood qof kale guursaday:

  • Waalidkood aad ayey ugu faraxsan yihiin cilaaqaadka cusub
  • Waxaa jira dad waaweyn oo kale oo daryeellaya kuwaas oo ay ku jiraan ayeyooyin iyo awoowayaal cusub
  • Carruurta cusubi waxay waxay haystaan walaala cusub
  • Fursada looga mid noqdo qoys mar kale.

Waxaa jira habab badan oo waalidka asalka ah iyo waalidka-guurku ku caawin karaan carruurta si ay uga gudbaan xaalladaan.

Carruurtu waxay muujiyaan dareenkooda dabeecada. Marka carruurta dabeecadoodu xumaato, carruurtu waxay leeyihiin ma aan fiicni. U fiirso waxa ilmahaagu uu kuugu sheegayo oraah iyo dabeecad una qaado dareenkiisa si dhab ah.

Calaamadaha guud oo sheegaya in ilmaha uu ku adag yahay isbedelku waxaa ka mid ah:

  • Dib u dhaca ku yimaada horumarka sida ku noqoshada isku kaadinta ama sidii carruur u hadlida
  • Qaraw iyo dhibaatooyin kale oo hurdada la xiriira
  • Dhibaatooyin dugsiga ka dhaca – mustawayaasha aqooneed oo hoos u dhaca aana doonayn inuu ka qaybgalo xarakaadyada ay markii hore xiisaynayeen.
  • Ilmaha oo noqonaya mid dagaalsan oo maahsan.

Waalid ahaan iyo qofka guurka ku yimid ahaan waxaa waajib kugu ah:

  • Inaad dhegaysato ilmahaaga
  • Isku day inaad u fahamto xaallada siday iyagu u arkaan
  • Ku dhiiri geli dhamaan carruurta qoyska cusub inay ka hadlaan dareenkooda ama dhibaatooyinka
  • Kaalmay cilaaqaadka cusub laakiin u ogolow inay tankooda u koraan
  • Abuur hab la raaco oo xaallada qoyska cusub kaas oo siinaya amni qof walba oo qoyska ka tirsan
  • Waqti sii ilma walba si shakh-shakhsi ah
  • Xasuusi ilmahaaga inaad jeceshahay mar walbana aad diyaar u tahay wax u qabashadooda.