Maxay carruurtu wax qalad ah u sameeyaan?

Badanaa way adag tahay in la fahmo sababta carruurta yaryari u wadaan inay sameeyaan waxyaalla aadan doonayn in iyagu sameeyaan.

Waxaa keeni kara dabeecad xumadooda dhowr sababood:

  • Si loo maqlo ama loo dhegaysto
  • Xirfad la'aan aanay aqoon sidii wax looga qaban lahaa xaallada
  • Oohin caawima raadis ama jaahwareer ah
  • Is-faham la'aan
  • Xeerar aan macquul ahayn ama wax la filayo
  • Hilmaamida xeerarka ama xuduuda.

Fahmida sababta ilmuhu u caraysan yahay waxay kaa caawimaysaa in aad hesho hab aad ku caawinto inay si kale u dhaqmaan.

Xad samaynta

Carruurtu waxay u baahan tahay xuduud. Waxay u baahan yihiin xuduud aamin ah oo ay ku samayn karaan doorasho, masuuliyadna ku qaadi karaan kuna gaari karaan guul.

Xuduuduhu waa inay ahaadaan kuwa aan is bedelayn! Isbedbedelku wuxuu carruurta istaajiya mawqif aanay ku garan karin wixii loo ogol yahay iyo waxaan loo ogolayn.

Waa in loo sameeyaa qof walba xuduud lana bixiyaa sababta loo dhigayo xuduudaas. Ogsoonow sababahaaga xuduud dhigida xaqiijina inay macquul yihiin.

Si joogta ah u xasuusi carruurta xeerarka iyo xuduudaha.

Natiijada xeerarka oo la jebiyaa waa inay:

  • Dhacda sida ugu dhaqsaha badan
  • Waa inay gaabnaataa haddii kale macnaha ayaa ka lumaya
  • Waa inay la xiriirta dhibtii asalka ahayd
  • Had iyo jeer waa inay ahaataa mid aan dhib keenayn ilmahana ixtiraamaysa

Ku adkayso mawqifkaaga laakiin caadi ahow.

Carruurtaada waad caawimi kartaa adigoo:

  • Dhegaysanaya isla markaana furaya khadka wada xiriirka
  • Aqoonsanaya dareenkooda
  • Aan isbedbedelayn
  • Xaqiijinaya inaad waxaad filaysaa yihiin wax waaqici ah
  • Siinaya waqti iyo dhegaysiga mawqifkooda
  • Dhiirigelanaya habkooda xalinta dhibta ama khilaafka
  • Uga mahadnaqaya dabeecada wanaagsan.

Xasuuso:

  • In Ilma kastaa u baahan yahay xanaanayn ka duwan ilmaha kale.
  • Ma jiro hab-waxqabad oo shaqayn doona mar walba! Hal abuur yeello.
  • Habka waalidnimadu waa inuu isbedelaa lana koraa da'da, kartida iyo baahida ilmaha.
Listen
Maxay carruurtu wax qalad ah u sameeyaan?
Update Required To play the media you will need to either update your browser to a recent version, enable javascript or update your Flash plugin.