Qaabaynta dabeecada ilmaha

Carruurtu kuma dhalan in ay yaqaaniin waxa aan la aqbali karin iyo wixii la aqbali karo. Adiga iyo dadka kaleeto ee ku meegaarsan ayey daawadaan kana bartaan siday u dhaqmayaan iyo sida dadka kale loola dhaqmo.

Waalidiintu waxay doonayaan in carruurtoodu noqdaan kuwa dareellaya, si fiican u fekeraya, dhaqan fiicana leh. Aragtida ku saabsan sida hadafyadaan lagu gaaro way is bedeshaa waxayna isku bedeshaa si dhaqsa ah.

Dadka waaweyn waxay u badan tahay inay u dhaqaaleeyaan carruurtooda si la mid ah sida iyaga loo dhaqaaleeyey. Haddii aad doonayso inaad bedesho sidaad wax u dhaqaalayso waxaad u baahan doontaa waqti, dadaal iyo inay kaa go'an tahay. Qaado oo aqbal inaad qalad samayn karto

Edbinta iyo ciqaabida

Waalid badan ayaa maanta aaminsan in aanay edbin karin carruurtooda. Ilma walba wuxu u baahan yahay inuu dareemo amni iyo amaan markay barayaan naftooda iyo adduunkooda. Edbinta iyo ciqaabidu maaha isku mid. Erayga Discipline oo Somaaliga ku ah edbin macnihiisa laatiinku waa "barid". Ciqaabtu waa jawaab-faleed waxayna khusaysa ku ciqaabida dabeecada aan la aqbali karin. Carruurta way ku adag tahay inay ku bartaan sax ama dabeecada loo aqbali karo hab ciqaabeed. Ujeedada edbintu waa in carruurta laga caawimo inay qaadaan masuuliyada dabeecadooda iyagoo u maraya hab lagu barayo dariiqooyin la aqbali karo si wax looga qabto xaallado. Markay sii koraanba carruurtu waxay noqdaan masuul edboon. Waxay fahmaan sida loo dhaqmo loona xakameeyo dabeecadooda. Is-edbintu waxaa koriya dadka waaweyn oo baraya kuna dhalinaya kalsooni. Edbin wax ku ooli ahi waxay ku xiran tahay xiriir wanaagsan oo u dhexeeya ilmahaaga iyo adiga waxayna dhistaa rabida in ilmahaagu doonayo inuu kaa farxiyo. Edbinta meelmarka ahi waxay la xiriirtaa fahmida shuruucda iyo waxa dhaca marka xeerarka la jebiyo.

Sidee tahay ciqaabta jireed?

Edbin meelmar ah waxaa lagu gaari karaa iyadoo aan la isticmaalin ciqaab jireed. Ciqaabta jireed oo lagu joojinay dabeecada waxay dhalisaa xannuun. Sida masalan ku garaacida ilmaha gacan ama shey. Ciqaabta jireed ma gudbinayso daryeel mana ixtiraamayso ilmaha. Ciqaabta jireed waxay wax u dhimi kartaa dareenka jacaylka iyo amniga ee ilmaha. Waxayna badanaa noqdaan kuwa welwelsan, cabsi qaba amarkana aan qaadan. Ciqaabta jireed waxay ilmaha bartaa in garaaco yahay wax la aqbali karo oo dhibta lagu xalin karo. Garaacidu ilmaha ma barto si wanaagsan oo loo dhaqmo. Waxaaba laga yaabaa inay dabeecada ka sii xumayso. Badanaa carruurtu waxay ka xanaaqaan in la garaacay wayna hilmaamaan sababta loo garaacay.

Carruurtu daawashadaada ayey wax ku bartaan. Ula hadal carruurta sida aad jeclaan lahayd in laguula hadlo. Ula dhaqan sida aad jeclaan lahayd in laguula dhaqmo.

Listen
Qaabaynta dabeecada ilmaha
Update Required To play the media you will need to either update your browser to a recent version, enable javascript or update your Flash plugin.