Fahmida naftaada waalid ahaan

Waxaan kulligeen rabnaa inaan ahaano waalidka ugu fiican oo aan noqon karo

Kulligeen waxaan ku bilaw waalid ahaan fikrada badan oo la xiriira waalidnimada. Waxaan leenahay rajooyin iyo riyooyin la xiriira nafteena iyo ilmaheena waalid ahaan. Mararka qaarkood, waxay wax u socdaan sida waalid ahaan aan u rabno. Mararka qaarkood waxaan dareenaa in aan sidaan rabnay aan wax ugu socon dhalaankeena, innagoo aan fahamsanayn sababta keenaysa.

Sida carruurteena, nolosheena waxaa qaabeeya waaya-aragnimadena. Waxaan ka keenaa fikradaheena ku saabsan carruurta iyo waalidnimada ila badanoo ay ku jiraan waalidiinteena, qoysaska, daryeelka ilmaha, dugsiga, midnadlayaasha iyo war baahinta.

Waalid ahaan, waxaan badanaa ku celinaa waxaan naqaan. Badanaana waxaan naqaan waxaan ka soo minguurinay waaya-aragnimadeena. Waaya-aragnimadeena ku soo korida qoyska asalka ah ayaa muhiim asaasi ah u ah waxaan aaminsanahay oo ku saabsan carruurteena, waalidnimadeena iyo qoysaskeena.

Samaynta waxyaallo ka soo horjeeda aragtideena ugu fiican……

Dhamaan waalidiinta waxaa jira waqtiyaal ay ku sameeyaan ama ku yiraahdaan wax carruurtooda taas oo ka soo horjeeda sida ugu fiican oo ay u arkaan.

“Ma jecli inaan ku qayliyo carruurtayda, iyaga ayaa igu kalifay aad ayaana u xanaaqay ismana qaban karin.”

Waqtiyadaas waalidiintu waxay dareemaan in ay meel kaga dhacayaan qofkay is-qabaan iyo carruurtooda.

Dareenka xoogan ayaa ka qaalib noqon kara mararka qaarkood waalidka. Fahmida meesha dareenkaani ka iman karo waxay kuu ogolaataa sidii aan wax ugu qaban lahayn carruurteena.

Ogaanshaha carruurteena iyo nafteena

Carruurtu waa nala loolamaan si ay u ahadaan kuwa rogrogma oo maarayn kara dareenkeena iyo dabeecadeena. Waxaan lumin karaa awoodeena si aan wax ugu qabano si debecsan haddii aan dhibanahay, daalanahay, xanaaqsanahay ama jaahwareersanahay.

Baahideena ama dareenkeenu waxaa laga yaabaa inay keento in aan wax u qabano ‘siday tahay’ halkii aan wax u qaban lahayn si la jaan qaadi karta xaallada. Taasi waxay keentaa in carruurta iyo waalidku kala furtaan, mid walbaana goonidiisa u xanaaqo, u dhibtoodo ama qalad u fahmo.

Waalid ahaan, waxaan u baahanahay in aan ogaano waxyaallaha na kiciya ama waxyaallaha ‘naga xanaajiya’. Badanaa shucuurta carruurteena ama dabeecadooda ayaa kiciya shucuurteena iyo dabeecadeena taas oo aan la xiriirin ama aan caawinayn xaallada adiga iyo carruurtaadu ku sugan tihiin.

Waxaan u baahanahay in aan ka saaro baahideena iyo dareenkeena xaallada markaas jirta ee ilmaha si aan si wanaagsan wax uga qabano.

Innagoo dib u eegayna wixii soo dhacay waxaan awoodnaa in aan si fiican u ogaano sababta, aan u dareeno, ama u dhaqano sidaan wax u samayno.

Innagoo dib u eegayna wixii soo dhacay iyo waxaan iska ogaanay waxaan noqon karaa kuwa furfuran xaalladana la qabsan kara waalid ahaan.

Xaggee ka yimaadeen fikradaha waalidnimo ee aan ku dhaqano?

Xaggee filitaankaaga ku saabsan carruurta ka yimid?

Xaggee iyo ilaa intee khibradaada ilmanimo saamaysay sida aad ula dhaqanto carruurtaada maanta?

Maxaan ka hellaa habka waalidnimadayda?

Maxaan jeclahay inaan ka bedelo waalidnimadayda?

Maxaa ilmahaygu iiga baahan yahay waalid ahaan taas oo ka duwan waxaan uga baahnaa waalidkay?

Maxaan u malaynayaa in aan u baahan doono si aan u bedelo habkayga waalidnimo marka ilmahaygu sii koraba?