Maaraynta khilaafka waalidka

Qoysaska maantu waxay la kulmaan arrima badan oo dhibaato u keena kuwaas oo xumayn kara cilaaqaadka waalidnimo. Marmarka qaarkood, hawsha waalidnimada naftigeeda ayaa sabab u noqon karta xinifta iyo khilaafka u dhexeeya waalidiinta. In arrin la isku afgaran waayo waa wax imanaya caafimaadna u ah cilaaqaad kasta. Arrinta ugu muhiimsani waa sida khilaafka wax looga qabto. Ka fogaanshaha heshiis la’aantu waxay noqon kartaa arrin muhiima oo ku fiican in la waajaho waxna laga qabto.

Dariiqada waalidiintu wax uga qabtaan khilaafka maalin walba dhaca saamayn weyn ayay ku leedahay carruurta. Dareenka ilmaha ee amaanka iyo samaqabku aad ayay ula xiriiraan sida waalidkood isula dhaqmaan.

Carruurtu waxay bartaan sida waalidkood isula macaamilaan

Markay waalidku leeyihin wada-shaqayn fiican, cilaaqaadkoodu wuxuu noqdaa asaas adag oo lagu caawimo ilmaha sahamintiisa iyo cilaaqaadka uu la leeyahay kuwa kale. Carruurtu waxay wax qaban karaan oo bartaan sida khilaafka lagu dhameeyo haddii ay arkaan in waalidku wax isku raaci waayaan ayna u dhamaystaan khilaafkooda si wax ku oolla. Si kasta ha ahaatee, carruurta si ba’an daran ayuu u saameeyaa khilaafka dabada dheeraada oo soo noqnoqda oo u dhexeeya waalidiinta.

Carruurtu maaha inay maqlaan ama arkaan khilaaf si xun wax u yeella. Carruurtu aad ayay ugu nugul yihiin jawiga kacsan ee guriga xiniftana si sahala ayay u garan karaan.

Carruurta qaarkeed ayaa si fiican u wajaha khilaafka marka kuwa kale loo fiiriyo. Taasi waxay la xiriirtaa ilmaha kulaylkiisa iyo jiritaanka dadka oo muhiima oo siin kara ilmaha kaalmo, sida, ayeeyada ama awoowayaasha.

Khilaafku wuxu u noqon karaa dhib iyo khatar carruurta. Khilaaf aad u xun oo ka dhexeeya waalidiinta ayaa laga yaabaa inuu u keeno carruurta dhibaatooyin dabeecadeed, bulsho iyo koritaan. Carruurtu waxay noqon karaan kuwa dhiban, caraysan, wax ku dhegan, gardaran ama aan amar qaadanayn. Waxaa ku dhici karta dhibaato hurda xumo, dhibaato feejignaan iyo barasho iyo weliba dhibaato ay kala kulmaan cilaaqaadka kuwa ay isku de’da yihiin.

Maaraynta khilaafka

Ka fogow isku qabsiga ama ku dagaalanka carruurta horteeda.

Ha istaajin carruurta mawqif ay dareemaan inay dhinac raacaan.

Ka fogow u isticmaalida ilmahaaga dariiqo aad ninkaaga ku “khasabto” in uu kugu raaco fekrad.

Tus sida looga wada hadlo arrin lagu kala duwan yahay si degana loogu xaliyo khilaafka.

Iska ilaali inaad carruurta ku eedayso khilaafka.

U xaqiiji carruurta inaad jeceshahay aadna doonayso inaad dhibta xaliso.

U samay waqti aad ku dhegaysato aqbalna ilmahaaga dareenkiisa iyo welwelkiisa wixii ku saabsan dagaalka.

Aqbal faraqa aragtiyeed oo u dhexeya adiga iyo qofka aad wada nooshihiin – marna wax walba isku aragti kama noqon karaan.

Mar walba iskaashi kala samay waalid ahaan xataa haddii aadan u arkin arrinta sida ay iyagu arkaan.

Raadi caawimada qof mihnadle ah haddii heerka khilaafku uu si daran u saamaynayo carruurta iyo qofkaad wada nooshihiin.