Ka xafidida ilmaha inay wax ku dhacaan

Waalid ahaan, waxaan awoodnaa in aan gudbino dareenkeena, mararka qaarkood, ilaa xadka awoodeena xanaanaynta.

Mararka qaarkood waxaan dareenaa in aynaan waxba qaban karayn. Mararka qaarkoodna midaani waxay keentaa in carruurta dhib loo geysto ama la dayaco. Kuwaani waa mawduucyo adag in laga hadlo, laakiin nasiib daro, dhibaatooyinka wax u dhima ilmaha iyo dayacaado maaha wax aan mar walba dhicin. Dhibaatooyinkaani waxay saameeyaan carruurta iyo qoysaska dhaqan walba leh waxayna u dhici karaan sababa badan awgood.

Dhibaatooyinka carruurta ku dhacaa waxay keeni karaan dhibaatooyin aad u weyn oo carruurta iyo dadka dhalinyarada ah ku yimaada kuwaas oo ay ku jiraan kuwa shucuureed, bulsho iyo dhibaatooyin maskaxeed.

Waxyeelida ilmaha waxay dhalin kartaa isku kalsooni daro, dhibaato wax barasho iyo dhibaatooyin dabeecadeed. Ilmuhu wuxuu xaq u leeyahay xuquuqda uu ku hellayo amni iyo xafidaad.

Waalid ahaan, masuuliyadaadu waa inaad aqoonsato marka aad caawimo u baahan tahay ka hor inta aan waxyeelladu imaan. Haddii aad dareento in wax kugu dhaceen, ama aad wax yeeshay ilmahaaga waa muhiim inaad raadiso caawima degdeg ah.

JOOJI waxaad samaynayso.

KA FEKER sida adiga iyo ilmahaaga waxa socdaa wax u yeelleen.

SAMAY wax si aad wax u bedesho.

HEL KAALMO si aad isbedelka u samayso.

Raadinta kaalmada iyo caawimadu waxay u baahan yihiin dhiiri. Qaadida talaabadani, waxay doonto ha noqotee, waxay muhiim u tahay adiga iyo ilmahaaga.

Raadinta kaalmo iyo caawimaadi waxay muujisaa:

  • Jacaylkaaga ilmaha
  • Awoodaada aad ku garanayso in dhibaato jirto
  • Doonidaada in qoyska wax iska bedelaan
  • Inay kaa go'an tahay ka shaqaynta sida wanaagsan in wax isu bedelaan.
Listen
Ka xafidida ilmaha inay wax ku dhacaan
Update Required To play the media you will need to either update your browser to a recent version, enable javascript or update your Flash plugin.