Ilma Walbaa Waa Muhiim

Buuggaani wuxuu sahaminaya dhowr mawduuc oo ku saabsan carruurta iyo waalid noqoshada. Guud ahaan, wuxuu ku siinayaa fursad aad kaga fekerto carruurtaada, waalid noqoshada iyo sidaad ku siin karto carruurta waaya-aragnimada aad doonayso inay ku koraan.

Waxay kuu caawimayaa inaad ka jawaabto qaar ka mid ah su'aallahaan.

  • Inaad ilma tahay waa maxay macneheedu?
  • Maxaan ka filaynaa carruurta? Taasi ma wax xaqiiq ahbaa?
  • Waaya-aragnimadee ayaan doonaynaa in ilmanimadu ahaato?
  • Sidee u doonaynaa in carruurtu u aragto dadka waaweyn noloshooda?
  • Sidee ayaan doonayaa in carruurto ii aragto?
  • Farriintee ayaan siinaynaa carruurta waxyaallaha ku saabsan mudnaantooda xagga nolosheena iyo bulshadeena dhexdeeda?

Xassuuso: dad waaweyn ahaan, waxaan ku qaabaynay bulshadeena waxa aynu qiimayno iyo hab-dhaqanka aan ilaalino una dulqaadano. Waaya-aragnimada carruurta waxaa saameeya cilaaqaadkooda, hab-dhaqankooda, waxay aaminsan yihiin iyo waxay qiimeeyaan. Waaya-aragnimada aan siino carruurteena waxay la joogi doontaa intay nool yihiin.

Listen
Ilma Walbaa Waa Muhiim
Update Required To play the media you will need to either update your browser to a recent version, enable javascript or update your Flash plugin.