Fahmida ilmahaaga la hadalkiisa

Keenida guriga ilma cusub waxay ku noqon kartaa farxad iyo cabsi ilmaha iyo waalidiintaba. Hawsha ugu weyn oo daryeelida ilma cusub waa in la xaqiijiyo in ilmaha yar baahidiisa wax laga qabtay. Baahida carruurta yari waa asaasi: carruurtu way gaajootaa, daalaan waana dhibanaan karaan.

Waxyaallaha ilmuhu dhibsado waxaa ka mid ah:

  • Inuu aad u kululaado ama aad u qaboobo
  • Baahida bedelida naabiga
  • Inuu xanuunsado (dhega xanuun, calool xanuun), carruurta koran waxay qabi karaan ilka xanuun
  • Inay cabsadaan, la cabsi geliya ama la cidleeyo
  • In aanu fiicnayn caafimaad ahaan (sida xaraarada oo sarraysa)

Carruurtu waxay leeyihiin dhowr tabood oo ay ku soo jeediyaan waalidka ama kula xiriiraan. Waalidku waxay ka bartaan, waayaha, waxa calaamadahaasi yihiin iyo sida wax looga qabto. Ugu horraynta, weli, way sahlan tahay in aan la aqoonsan ama si khalad ah loo tarjumo. Waxay qaadataa waqti in carruurta calaamadahooda la tarjumo lana fahmo.

Sababta carruurtu u ooyaan

Calaamadaha ugu weyn oo ilmaha yari isticmaalo si uu waalidka u soo jeediyo waa inuu ooyo. Waalidka ayaa degdeg u baran doona aqoonsiga in ilmuhu u isticmaalo oohin kala duwan baahiyihiisa kala duwan. Ilmuhu yari wuxuu ooyaa keliya markay wax u baahan yihiin.

Ilmuhu uma ooyo inuu “ka xanaajiyo” ama isaga yeerto waalidkood. Ilmuhu waxbay dareemaan, ma maleeyaan, qiyaasaan ama xakumaan. Ma garanayaan sida oohintoodu u saamanayso kuwa kale, waxa ay ogyihiin keliya inay wax u baahan yihiin taasi waa sida keliya ee ay ugu sheegi karaan qof inuu ogaado waxay rabaan. Ilmuhu wuxuu u ooyaa inuu noolaado sidaas darteed waalidku waa inay wax ka qabtaan calamadahaas.

Markaad wax badan ka ogaato ilmahaaga waxaad xaqiiqsanaysaa in ilmuhu waalidka kula xiriiro siyaalla kala duwan.

Daawashada ilmaha wajigiisa waxay muujin kartaa siyaalla badan oo ay wax u gudbiyaan. Waalidku waxay bartaan kuwaan waxayna wax ka qabtaan baahidooda ka hor inta aanu ilmuhu ooyin. Carruurta yaryar wajigooda ayaa ah muujiye, waxay u samaysan yihiin abuurida “welwel” layman ka sareeya sankooda, kuwaas oo carruurta qaarkood u noqon kara cadaynta ugu horraysa in loo baahan yahay in dhowaan laga bedelo naabiga. Carruurta afkooda ayaa isaguna ah muujiyaha baahida carruurta yaryar ayagoo markay wajigooda waxayna isticmaalaan carabkooda si ay wax u sheegaan.

Carruurtu wajiga ka sokow, waxay kaloo isticmaalaan gacanta oo isku laabaan, si ay u muujiyaan inay wax u baahan yihiin. Waalidku waxay bartaan aqoonsiga gacan isku laabida oo ah calamad wax dhibsi, ama gaajo haysa. Carruurta yaryari waxay kaloo isticmaalaan jirka oo dhan si loogu dareen geliyo waalidka baahidooda, iyaga oo dhabarkooda soo qaloocinaya lugahoodana laadaya.

La xiriirida ilmahaaga

La xiriirida ilmuhu nala xiriiro ka sokow waxaan kaloo u baahanahay in aan la xiriiro. Daraaso cilmiyeed ayaa dareensiisay waalidka muhiimada la hadlida, la qoslida iyo u akhrinta ilmaha. Waalid badan ayaa badanaa u arka wax lagu qoslo la hadlida ama u akhrinta marka ilmuhu aanu ka jawaabayn hadalka. Si kasta ha ahaatee ilmuhu waa jawaabaa waalidkuna wuxuu bartaa calaamadaha lagu fahmo waxa ilmuhu u baahan yahay, wuxuu kaloo bixiyaa calaamad jawaab ah markay isku deyayaan inay la xiriiraan.

Carruurta lala hadlo ama wax loo akhriyo waxay badanaa soo jiitan wajiga qofka, way u hadaaqaan qofka, ama waxay sameeyaan dhawaaqyo kale waxaana laga yaabaa inay wax ku soo gudbiyaan dhaqaajinta faraha (iyaga oo aan tantoonyo samayn) laakiin iyaga oo kala furan waxaana laga yaabaa inay lugaha haabtaan kuna cayaaraan.

Carruurtu waxay ku raaxaystaan la falgelida waxyaalla xiisa leh oo la fiirinayo waxayna ku soo gudbin doonaan farxadooda wajiga iyo jir ka hadal. Is-dhaafsigaan calaamadaha wada xiriirka ee u dhexeeya waalidiinta iyo ilmaha waa bilawga daryeelka, cilaaqaadka jacaylka ee waalidka iyo ilmaha.

Taabashadu waa calaamad wanaasgan oo wada xiriirka u dhexeeya waalidka iyo ilmaha. Waxaa laga yaabaa waalidku inay bartaan sida loo duugduugo jirka ilmaha loona barto sida ilmuhu uga jawaabo iyo jir ka hadalka iyo waxa aanu jeclayn ama jecel yahay. Daryeelida, taabashada raxmadeed iyo hagsiinta ilmaha iyo siyaalla badan oo kale oo ilmaha loo soo qabto, khaasatan marka raxmad la tusayo, ayaa iyaguna ah siyaalla muhiima oo wada-xiriir iyo xoojinta cilaaqaadka jacaylka oo u dhexeeya waalidka iyo ilmaha.